France oo dooratay Hollande

Doorashada Faransiiska Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Doorashada Faransiiska

Faransiiska ayaa Madaxweyne u doortay Francois Hollande.

Wareeggii labaad ayuu uga adkaaday madaxweynaha hadda xilka haya, Nicolas sarkozy.

Waa markii ugu horreysay 17 sano ee Xisbiga hantiwadaaggu uu talada qabto.

Waana markii ugu horreysay ee Madaxweyne xilka haya laga adkaado tan iyo sannadkii 1981.

Xisbiga hantiwdaaggu wuxuu sheegay in hawlaha ugu horreeya ee horyaalla ay ka mid tahay in uu dib ula xaajoodo Midowga Yurub xagga ku aaddan heshiiska dhaqaalaha.