Qorshe Bomb oo uu helay Maraykanka

Alqacida Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Alqacida Yemen

Masuuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay inay heleen qorsho la doonayay in bobm lagu qarxiyo diyaarad maraykan, iyadoo bobm la soo galiyay dharka hoos laga xirto lagu soo qarinayo.

Bobmka ayaa ah mid la mid ah kii lagu qabtay 2009kii nin Nigeriyaan ah oo bobm uu dharka hoostiisa ku soo qariyay ku qarxin rabay diyaarad Maraykan oo ka soo duushay Yemen.

Masuuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay in qorshaha isqarxinta ay qabanqaabinayeen koox dalka Yamen oo xiriir la leh Alqacida lana qaadi rabay weerarka sanadguuradii koowaad ee ka sooo wareegtay dilkiii Osama bin laden

Laakiin sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in qorshaha la helay intaan lala beegsan meelna dadwaynahana qatar aysan ku jirin.

Bobmka la helay ayaa hada waxaa baaraya FBIda. Bombka ayaa ah mid aad u horumarsan oo aan la isticmaalin wax bir ah.