Baahi ka jirta Sudan

Jabhad dowladda Sudan kula dagaallameysa meel u dhow soohdinta Sudanta Koofureed ayaa sheegay in xaaladda dadka rayidka ahi ay ku sugan tahay masiibo.

Malik Agar oo ah madaxa Jabhadda SPLM North, ayaa BBC u sheegay in in ka badan laba boqol oo kun oo ruux oo ku sugan gobolka Blue Nile ay qabaan baahi xoog leh.

Wuxuu ku tilmaamay in waayeel iyo carruur ay billaabeen in ay dhintaan.

Wuxuuna ku baaqay in gurmad caalami ah oo deg deg ah lala soo gaaro.

SPLM North waxay kula heshiisay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika in raashinka gargaarka ah la gaarsiiyo dadka.

Laakiin waxay SPLM North ku eedeyneysaa dowladda Sudan in ay xannbieyso gargaar oo dhan.