Qaraxyo waaweyn oo ka dhacay Dimishiq

Image caption Baabuur ku burburay qaraxyada dalka Syria.

Laba bam oo baabuur waaweyn loo isticmaalay ayaa ku qarxay magaalada Dimishiq ee caasimada dalka Syria.

Telefishinka dowladda ayaa sheegay in afartan qof ka badan ay ku dhinteen, ugu yaraan boqol iyo toddobaatanna ay ku dhaawacmeen.

Weriye BBC oo jooga goobta ayaa sheegaya in qaraxu ahaa midkii ugu xoogga badnaa ee ka dhaca Dimishiq tan iyo markii kacdoonku bilowday.

Qaraxu waxa uu burburiyay dhisme sirdoonka militerigu lahaa oo ku yaal degmada dhinaca koonfureed ee al-Qasas, isagoo tobanaan baabuur oo kale khasaaro garsiiyay.

Telefishinka dowladda ayaa ku tilmaamay weerar argagaxiso, lakiin mucaaradkuw axay ku eedeeyeen dowladda.

Madaxa ergada korjoogtada ah ee Qaramada Midoobay, Jeneral Robert Mood, oo booqday goobta, ayaa sheegay in qaraxan oo kale aanu xal u ahayn dhibaatada Syria.