Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaflad Sport oo ka dhacday London

Lahaanshaha sawirka bbc

Koonfurta galbeedka ee magaaladan London habeen hore lwaxaa lagu qabtay xaflad casho ah oo lagu caleemo saaray guddoomiyaha cayaaraha ee Jaaliyadda Soomaalida UK, Daahir Cali Kulmiye.

Munaasabadda waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan bahda maamulka, cayaartoy iyo taageerayaal cayaaraha Soomaalida UK.

Weriyaha BBC Maxamed Ibraahim Macalimuu, ayaa xafladda kadib waraystay Daahir Cali Kulmiye, oo marka hore uu waydiiyay ujeedda xafladda?