Qarax ka dhacay magaalada Mombasa

Lahaanshaha sawirka INTERNET
Image caption Magaalada Mombasa

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay shan qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax xalay ka dhacay baar ku yaal magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Nin dabley ah ayaa la sheegay inuu rasaas ku furay ilaalo halkaasi joogtay markii ay isku dayeen inay ka hor istaagaan inuu gal dhismaha.

Ninka dableyda ah ayaa waxa markaa kadib tuuray laba bam waana uu baxsaday. Ma cadda cida ka danbeysay qarax laakiin, waxa sharaxaya goobta Ambrose Munyasia.