7 ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay Hargeysa

Lahaanshaha sawirka other
Image caption Qaar ka mid ah ciidanka booliiska Somaliland

Ugu yaraan toddobo qof oo ay ku jiraan saddex askari ayaa ku dhintay magaalada Hargeysa, markii iska hor imaad hubeysan uu dhexmaray saaka ciidamada Somaliland iyo dad shacab ah oo hubeysan.

Dagaalka ayaa dhacay markii dad hubeysan ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada militeriga Somaliland ay ku leeyihiin magaalada Hargeysa.

Sababta adagaalka ayaa lagu sheegay inay tahay muran dhinaca dhulka ah.

Wasiirka wasaaradda gaashandhiga ee Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa BBC u sheegay in dhinacooda dagaalka saddex askari uga dhinteen.