Ciidanka EU oo weerarray burcad badeed

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Burcad badeed Soomaali ah oo taaggan badda qarkeeda

Ciidamada badda ee Midowga Yurub ee ka hawlgala xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkoodii ugu horreeyay ee dhulka ah ay xalay fuliyeen.

Ciidamada oo isticmaalaya helikobtaro iyo labomaraakiibta dagaalka ah ayaa weerarray oo burburiyay tiro doomaha burcad badeedda ah, meel u dhaw xeebaha Xarar Dheere.

Haweeneey Afhayeen ah oo u hadashay ciidamada Midowga Yurub, Jacqueline Sherrif ayaa u sheegtay BBC in hawgalka la sameeyay iyada oo taageero buuxda laga heysto dowladda Soomaaliya.

Hawlgalka ayaa ka danbeeyay kadib markii ciidamadu ay muddo kor kala socdeen, mana jiraan cid wa ku noqotay labada dhinacba.

Afhayeenka waxa ay sheegtay in hawgalka oo dhinaca cirka laga fuliyay dhammaantiis ay ujeedadu ahayd in laga hortago in burcaddu ay meel nabdoon ku heystaan dhulka.