Somaliland oo dabaaldegeysa

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Dabaaldegga 18 May ee Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa sheegay in dhinacooda ay diyaar ka yihiin wada hadalka ay la galayaan Soomaaliya.

Waxa hadalkan uu ka sheegay isaga oo maanta ka hadlayay munaaabadda sanadguurada 21 ee markii ay Somaliland sheegtay inay ka go'een Soomaaliya.

Somaliland inkasta oo ay sameysay nidaam maamul iyo hanaan kala dambeyn iyo xasilooni leh, haddana waa ay u suurta geli weysay muddadaasi 21 sano ah in wax aqoonsi ah ay ka hesho caalamka.

Shirkii caalamiga ahaa ee looga hadlayay Soomaaliya, ee bishii Febraayo lagu qabtay magaaladatan London, ayaa waxyaabaha ay beesha caalamku soo jeedisay ay ka mid ahaayeen inay wada hadlaan Somaliland iyo Soomaaliya.