Masar oo dooraneysa Madaxweyne

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dadku waxay codkooda ka dhiibanayaan doorashada Madaxweynaha

Safaf dhaadheer ayaa dadku u galeen goobaha codbixinta ee waddanka Masar, halkaasi oo boqolaal kun oo qf ay codkooda ka dhiibanayaan doorashooyinkii ugu horreeyay ee xor ah ee madaxtinimo ee dalka Masar.

Weriye BBC ka tirsan oo jooga Qaahira ayaa sheegaya in jawigu deggan yahay, dadkuna ay sugayaan iyaga oo dulkhaad muujinaya.

13 musharax ayaa ku qoran waraqaha codbixinta, laakiin afarta musharax ee ugu cadcad ayaa ah islaamiyiin ama wasiirro horey uga tirsanaan jiray maamulkii Madaxweynihii talada laga riday ee Xusni Mubarak.

Weriyaha BBC Yusuf Hassan ayaa sheegaya in tartanku adag yahay.

Codbixinta ayaa dhacaysa 15 bilood kadib markii la riday Madaxweyne Xusni Mubarak.