Drogba oo ka tegaya Chelsea

Drogba Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Drogba

Chelsea ayaa ku dhawaaqday in Didier Drogb uu ka tegayo.

Drogba oo u dhashay dalka Ivory Coast waa cayaaryahan caan ah, oo halyeeynimo ka muujiyay cayaartii ugu dambeysay ee Chelsea ay ku qaadday koobka horyaalka horyaallada Yurub.

Drogba wuxuu dhaliyay goolkii ay guushu ku raacday Chelsea markii ay la cayaartay Bayern Munich.

Cayaartooygan xagga weerarka ka cayaara wuxuu Chelsea ka tegayaa aakhirka bisha June marka ay qandaraaskiisu dhammaado.

Drogba, oo Chelsea u cayaarayay 8 sano, wuxuu sheegay in uu joogo xilli uu hawl hor leh billaabo.

Warar la isla dhex marayo ayaa sheegayay in uu ka cayaari doono dalka Shiinaha, laakiin lama xaqiijin.