Madaxda Soomaalida oo heshiis gaartay

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Hogaamiyayaasha Soomaaliya oo ku heshiiyay Addis Ababa

Saxiixayaasha heshiiska siyaasadeed ee xalaadda kala guurka ee dalka Soomaaliya, ayaa maanta magaalada Addis Abab ku gaaray is afgarad ku wajahan sidii looga bixi lahaa xilliga KMG.

Waxay ku heshiiyeen in hawlaha soo socdaa ay qabsoomaan taariikhahan, sida uu BBC u sheegay wasiirka dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil:

20 June - in la soo xulo 825 xubnood ee ansixin lahayd dastuurka.

30 June - in ay Muqdisho isugu yimaadaan xubnahaasi.

2 July - in uu u furmo shir looga doodayo dastuurka.

10 July - in la ansixiyo dastuurka

15 July - in la soo xulo xubnihii baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo la dhaarinayo 20 July.

4 August - inay doortaan Guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

20 August - in la doorto Madaxweyne.