Sawirro doorashada Masar

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 23 Mey, 2012, 17:22 GMT 20:22 SGA
  • Wareegii koowaad ee doorashada madaxweynenimada Masar ayaa bilaabatay. Waa dooorasho Taariikhi ah waana tiii ugu horaysay tan iyo markii kacdooon lagu riday madaxweynihii Xusni Mubaarak 201. Xarumaha codaynta ayaa ka furmay dhamaan waddanka.
  • Doorashada ayaa dhacaysa shan iyo tovab bilood kadib markii la riday madaxweynihiii Xusni Mubaarak.
  • Wariyaha BBC Daud Aweis oo waraysi ka qaadaya dadka codaynaya.
  • In ka badan konton milyan oo reer Masar ayaa xaq u leh inay codeeyaan, lix milyan oo ka mid ah waxay degan yihiin Qaahira.
  • Saddex boqol iyo toban kun oo dibada ku nool aya codeeyay 11-17 May. Musharaxiii ku guulaysta 51boqolkiiba codadka wareega koowaad ayaa guulaysanaya.
  • Hadii qafna guulaysan waayo wareega labad waxaa la qaban doonaa 17-18 June. dadka dibada joogana waxay codaynayaan 3-9 June.
  • Amar Moussa wuxuuu ka mid yahay afarta musharax ee ugu wayn.
  • Wiil yar ooo labisan dharka ciiidamada oo safka la joooga reerkiisa codaynaya.
  • Milatariga ayaa xilka ku wareejin doona madaxweynaha cusub 30 June.
  • Natiijada wareega kowaad waxaa lagu dhawaaqayaa 27-29 May.
  • laba boqol iyo afartaniyo saddex kormeerayaal oo kaliya ayaa ka qayb qaadanaya taasoo ka yar kormeerayaashii joogay doorashadiii baarlamaanka ee dhacday lix bilood ka hor.
  • Doorashada ayaa socanaysa laba maalmood waxaana tartamaya 12 musharax.
  • ciidamada iyo boliiska ayaa wadanka oo dhan amaanka dooorashada sugaya.golaha sare ee milatariga ee xukunka haya ayaa balan qaaday dooorashada inay noqoto xor iyo daacad.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.