Khatarta cudurka dabaysha

Paksitan Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Paksitan

Ururka Caafimaadka Adduunka WHO ayaa ku dhawaaqay in cudurka dabayshu yahay cudur xaalad caafimaad oo halis ah ku haya adduunka.

Labadii sano ee na dhaafay ayuu aad ugu fiday, ayay tiri qaaradaha Yurub, Africa iyo Asia.

Cudurka dabayshu wuxuu xoog uga jiraa Afghanistan, Pakistan iyo Nigeria.

Laakiin waxaa mar dambe lagu arkay waddammo hore loogu dhawaaqay in laga cirib tiray.

Weriye BBC ayaa ku tilmaamay in dagaallo iyo kalsooni darrada dadka qaar ay ka qabaan tallaalku ay tahay dhibaatada hortaagan daryeelka carruurta.

Sarkaal ka tirsan Ururka caafimaadka adduunka ayaa ku tilmaamay in haddii lagu guuleysan waayo in cudurkan la suuliyo in markaas uu cudurku uu aad u faafi doono.