Dab ay ku dhinteen 19 qof

Dab qabsaday Suuq dukuaammo ah oo ku yaalla caasimadda Qadar ee Dooxa, ayay ku dhinteen ugu yaraan 19 qof.

Wasiirka Gudaha ee Qadar ayaa sheegay in 13 carruur ah iyo 4 macallin ay ka mid yihiin dadka dhintay.

Suuqan oo la yiraahdo The Villagio, oo ah mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn waddanka Qadar, waxaa ku yaalla shaneemo, dhul baraf goglan yahay oo lagu cayaaro iyo beer lagu madaddaasho.