Afmadow oo laga qabsaday Alshabaab

Ciidamada Alshabaab Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ciidamada Alshabaab

Aroornimadii saakay ayay galeen magaalada Afmadoow Ciidamada Dowlada ku meelgaarka, kuwa Raaskambooni iyo askarta Kenya ee ciidamada Amisom. Alshabaab ayaa ka baxday magaalada iyagoon dagaalamin.

Qabsashada magaalada Afmadoow waxaa sidoo kale sheegay General Ismaaciil Saxardiid, oo ah taliyaha ciidamada dowlada ku meel gaarka ah ee Jubooyinka.

Ururka Alshabaab waxay magaalada Afmadoow qabsadeen November 2009kii, maanta iyagoon xabad ridin ayay iskood isaga baxeen.

Qabsashada Afmadow, ayaa u ogalaanaysa ciidamadadowlada iyo kuwa Amisom inay u gudbaan magaalada Kismaayo ee ah xarunta ugu wayn ee Alshabaab ay ka helaan dhaqaalaha.