Diyaarad ku burburtay Lagos, Nigeria

Lahaanshaha sawirka Reuters

Diyaarad rakaab ayaa ku burburtay magaalada ugu wayn dalka Nigeria ee Lagos, waxaana ku dhintay dhamaan boqol iyo konton qof oo saarnaa.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa DC-10 ayaa waxaa maamulayay shirkadda India laga leeyahay ee Dana Air waxaana ay ka duushay caasimadda Abuja markii ay ku burburtay xaafado ku taalla magaalada uuna dab qabsaday.

Ma cadda sida dadka dhulka joogay ay wax u gaareen.

Sababta shilka ayaan sidoo kale la ogayn.

Bishii hore ayaa diyaarad la mid ah oo ay leedahay Dana Air dhibaato farsamo ay soo wajahday oo lagu qasbay in ay si deg deg ah u fariisato magaalada Lagos.

Madaxwayne Goodluck Jonathan ayaa ku dhawaaqay sadex maalmood oo baroordiiq qaran ah.