Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abaaro ka dhacay deegaanno Somaliland

Image caption Somaliland

Xubno ka tirsan golaha guurtida Somaliland oo socdaal xaqiiqo raadis ah ku soo maray dhulka xeebta Somaliland ee Zaylac, Lughaya ilaa Bullaxaar ayaa caddeeyay in abaar kulul iyo biyo la'aani ka jiraan jiiddassi oo beryahanba qaylo-dhaani ka soo yeedheysay.

Dadka qaarkii ayaa markii ay caydhoobeen hadda ku jira xeryo tuulooyinka qaarkood siiba degmada Lughaya ee Gobolka Awdal .

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa ka wareystay dhibaatada ay ku soo arkeen jiiddaasi xeebta Axmed Daahir Jirde oo hoggaaminaayay siddeed xubnood oo ka tirsan golaha guurtida oo loo diray inay xaaladda abaarta soo qiimeeyaan, wuxuuna ugu horreyn weydiiyay meelaha ay soo mareen kuwa ay yihiin.