Ugu yaraan 20 ayaa ku dhintay Afghanistan

Image caption Meesha weerarku ka dhacay waxa ay u dhawdahay saldhig NATO

Booliiska Kandahar ee koonfurta waddanka Afghanistan ayaa sheegay in ugu yaraan labaatan qof lagu dilay laba weerar oo is qarxin ah.

Inta badan dadka dhintay waxay ahaayeen rayid.

Bamka ayaa waxa uu ka dhacay meel ay isticmaalaan dadka dukaameysanaya iyo darawaliinta baabuurtooda lagu qaado allaabta loo wado ciidamada NATO ay hogaamineyso.

Booliiska ayaa sheegay in labada qof ee bamka qarxiyay in mid uu watay mooto midna uu lugeynayay.

Weerarka ayaa ka dhacay meel u dhaw garoonka dayaaradaha, halkaasi oo uu ku yaallo saldhig weyn oo militei oo ay leeyihiin ciidanka NATO.