Malawi ma marti gelineysa shirka Afrika

Cumar Al-Bashir Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Malawi ma martigelineyso shir madaxeedka Afrika

Dowladda Malawi ayaa sheegtey in aaney marti gelin doonin shirka Midowga Afrika iyagoo ka cabsi qabo in Madaxweynaha Sudan uu ka soo qeyb galo.

Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashir waxaa dooneysa maxkamadda dambiyada ee adduunka ee ICC, waxaana loo haystaa dambiyo ka dhan ah aadanaha oo la sheegey in ay ka dhaceen gobolka Darfur.

Midowga Afrika aya ku gacanseyrey go’aanka ICC-da, waxaana uu ka codsadey Malawi in ay u ogolaato Madaxweyne Al-Bashir in uu ka qeybgalo shirkaasi madaxda Afrikaanka.

Sudan ayaa ka codsatey Midowga Afrika in shir madaxeedka Afrika laga soo wareejiyo Malawi oo lagu qabto dalka Ethiopia.