Qarax ka dhacey Nigeria

Qarax Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Nigeria waxaa ka dhacey qarax is miidaamin ah

Qarax is miidaamin ah oo lala beegsadey xaruun ay booliska leeyihiin woqooyi-bari dalka Nigeria waxaa ku dhintey ugu yaraan shan ruux.

Qaraxa kadib, booliska waxay weerar ku qaadeen goob loo maleynayey in ay gabaad u tahay ururka Islaamiga ee Boko Xaraam, waxaana halkaasi ka dhacey iskahorimaad hubeysan.

Afhayeen u hadley booliska ayaa sheegey in 12 ruux oo kale ay ku dhaawacmeen qaraxaasi.

Magaalada Miduguri oo uu qaraxa ka dhacey waxaa haatan ku sugan ciidamo tiro badan si ay ammaanka u sugaan.

Ilaa haatan, ma jirto koox sheegatey mas’uuliyadda qaraxani, lakin gobolkaasi waxaa awood weyn ku leh Boko Xaraam

Boko Xaraam waxay soo ifbaxdey sanadkii 2009, xilligaasi oo boqolaal taageryaashooda la diley kadib weerar ay ku qaadeen boolis-ka dalkaasi.