Somalia oo soo dhaweysey go'aanka USA

Al-Shabaab Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dowladda oo soo dhaweysey tallabada Maraykanka

Dowladda Somalia ayaa soo dhaweysey lacagaha Maraykanka uu sheegey in uu ku bixinaayo wararka la xiriira madaxda Al-Shabaab.

Warbixin ay soo saartey dowladda ayaa lagu sheegey in go'aanka Maraykanka uu gacan ka geysanaayo "dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto in ay ku soo afjarto nidaamkii argagixisada Al Qaacida ee ka jiray Soomaaliya".

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtey inay lacag gaaraayo ilaa 30 milyan oo doolar ay ku bixinayaan wararka la xiriira madaxda Al-Shabaab.

Ragga lagu bartilmaameedsanaayo mashruucani waxaa kamid ah, Axmed Cabdi Aw-Maxamud oo ah hogaamiyaha Al-Shabaab, iyo Ibraahim Xaaji Jaam'a oo la sheegey in uu qeyb ka ahaa aasaasidda ururkani.

Fu'aad Maxamad Khalaf, Bashir Maxamad Maxamuud iyo Mukhtar Robow ayaa sido kale ku jiro liiskani.