Wasiirka amniga Kenya oo shil ku dhintey

Saitoti Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Wasiirka ammaanka Kenya oo ku dhintey shil diyaaradeed

Wasiirka arrimaha ammaanka ee Kenya George Saitoti iyo wasiir ku xigeenkiisa ayaa ku dhintey shil diyaaradeed.

Diyaaradda ayaa la sheegey inay dhulka ku soo dhacdey oo uu dab qabsadey.

Ilaa hada lama oga waxa sababey shilkani, waxaa kale oo halkaasi ku dhintey affar ruux oo ahaa ilaalada iyo kalkaaliyayaasha wasiirka iyo wasiir ku xigeenka, Orwa Ojode.

Saitoti waxaa uu horey u ahaa madaxweyne kuxigeenka dalka xilligii madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi.

Waxaa uuna hormuud ka ahaa weerarka ay Kenya gudaha ugu gashey Somalia.

Waxaa kale oo uu kamid ahaa dhowr mas’uul oo la filayey inay u tartamaan jadada madaxweynenimo ee doorashooyinka soo socda ee la sheegey in la qaban doono bisha March ee sanadka 2013.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan