Tariikhda George Saitoti

Saitoti Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Wasiirka amniga Kenya ayaa ku dhintey shil diyaaradeed

George Saitoti waxa uu ahaa siyaasi taariikh dheer ku leh dalka kenya. Waxa uu muddo 13 sanno ah madaxweyne ku xigeen ka ahaa xukuumaddii madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi.

Waxa uuna qabtay xilal kala geddisan oo dhinaca gollaha wasiiradda ah.

Waxa uu ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu cad cad ee ku haminayey in ay isu soo sharaxaan jagada madaxweynanimo marka uu dhamaado xilliga madaxweynaha haatan xilka haya ee Mwai Kibaki.

George Saitoti, waxa uu sannadooyinkii ugu dambeeyey ahaa wasiirka Ammniga Guddaha, iyadoo waayahan dambe xaaladda ammaanka cabsi laga muujinayey.

Qaraxyo dhowr ah ayaa ka dhacay Kenya ka dib markii ay ciidamadda Kenya galeen Soomaliya dabayaaqaddii sannadkii tagay, wasiirkii Ammniga George Saitoti waxa uu marar badan ku eedeeyey kooxda shabaab in ay ka dambeeysay weerarradaas.

Ku xigeenkiisa Orwa Ojode oo kamid ahaa mas'uuliyiinta ku dhintay shilkan diyaaradeed ayaa waxa uu baarlamaanka ka sheegay in Kenya ay la dagaalamayso waxa uu ugu yeeray mas weyn oo madaxiisu uu yaalo xaafadda Eastleigh, oo ah xaafadda ay Soomaalida ku badantahay ee Nairobi, seyntiisana ku maqantahay Soomaaliya.

Hadalkaas ayaa waxaa si kulul uga jawaabay qaar ka mid ah siyaasaiyiinta Soomaalida ee Kenya.