Sadex beri oo laga baroor-diiqaya Kenya

Kibaki Lahaanshaha sawirka Other
Image caption Kenya ayaa ku dhawaaqdey sadex beri oo baroor-diiq ah

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqdey sadex beri oo baroor-diiq ah kadib geeridii Wasiirkii Amniga Qaranka George Saitoti.

Saitoti waxaa uu ku dhintey shil diyaaradeed oo ka dhacey duleedka Nairobi.

Dowladda ayaa sheegtey in ay baaritaan ku sameyneyso waxa sababey shilkaasi oo sidoo kale ku dhintey wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Amniga Qaranka, Orwa Ojode.

Waxaa kale oo shilkaasi ku dhintey affar ruux oo kalkaaliyayaal iyo ilaala u ahaa mas'uuliyiintaasi.

George Saitoti waxaa uu kamid ahaa siyaasiyiinta sheegey inay u tartami doonaan jagada madaxweynanimo doorashooyinka dalka laga qaban doono bisha March ee sanadka 2013.