Guddoomiyaha maxkamadda Hargeysa oo la dhaawacey

Somaliland Lahaanshaha sawirka Other
Image caption Guddoomiyaha maxkamadda Hargeysa oo la dhaawacey

Magaalada Hargeysa waxaa lagu toogtey oo dhaawac soo gaaray gudoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa, Cabdirashiid Durraan .

Gudoomiyaha waxaa markiiba loola cararay cisbitaal ku yaalla Hargeysa . Wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha ee Somaliland Maxamed Nuur Carraale Duur ayaa BBC u sheegay in booliska ay arrintani baaritaan ku sameynayaan

Weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Saciid Cige oo tagey cisbitaalka uu ku jiro guddoomiyaha maxkamadda Hargeysa ayaa sheegey in uu ladanyahay.