Maraykanka oo u digey "qaswadayaasha"

Johnie Carson Lahaanshaha sawirka Other
Image caption Maraykanka ayaa u digey "qaswadayaasha"

Dowladda Maraykanka ayaa digniin culus u dirtey dad ay ku tilmaantey qaswadayaal doonaya in ay carqaladeeyaan hanaanka road-map-ka ee la doonayo in looga gudbo xilliga ku meel-gaarka.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibeda ee Maraykanka Johnie Carson oo booqasho shalay ku tegay Muqdisho, ayaa saxaafadda ugu warramey Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxa uuna sheegay in dadkaasi ay ka mid noqon karaan dadka ka tirsan dowladda KMG.

Tallabada Maraykanka ayuu sheegey in ay ku jirto xayyiraado dhanka viisaha, safarka iyo lacagaha ay dadkaasi ku leeyihiin bangiyada.

Qaramada Midoobey ayaa horey u soo saartey digniin tan lamid ah. Wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Somalia Augustine Mahiga ayaa horey u sheegey in dadkani ay kamid yihiin hogaamiye kooxeedyo ku jira baarlamaanka iyo kuwa aan ku jirin intaba.