Guddi baaraya shilka diyaaradeed ee Kenya

Shil diyaaradeed Lahaanshaha sawirka other
Image caption Kenya ayaa magacawdey guddi baaro shilkii diyaaradeed ee uu ku dhintey George Saitoti

Dowladda Kenya waxay ku dhawaaqdey guddi heer qaran ah oo baaraya shilkii diyaaradeed ee uu ku dhintey Wasirkii Amniga Qaranka George Saitoti iyo ku xigeenkiisii Orwa Ojode.

Wasiirka Gaddidka Kenya Amos Kimunya ayaa sheegey in guddigan ay guddomineyso Kalpana Rawal oo gaarsoora ka ah maxkamadda racfaanka ee Kenya. Guddiga waxaa ku jira Maj Gen Harold Mwakai Tangai oo horey u ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada cirka ee dalka Kenya. Waxaa kale oo guddiga ku jira sadex xubnood oo kale.

Shilkani ayaa dhacey affar sano guuradii ka soo wareegtey shil diyaaradeed oo ay ku dhinteen Wasiirkii Waddooyinka Kenya Kipkalya Kones iyo Wasiir Kuxigeenkii Arrimaha Gudaha Lorna Laboso.

Dowladda Kenya waxay meesha ka saartey in sabata shilkani ugu dambeeyey ay tahey diyaaradda amaba duuliyayaasha. Wasiirka Gadiidka Amos Kimunya ayaa sheegey in diyaarada ay cusbeyd oo la soo iibiyey bishii January ee sanadkan 2012.