Sharif oo ballan qaadey ammaanka Afgooye

Sheikh Sharif Lahaanshaha sawirka Other
Image caption Madaxweynaha Somalia ayaa balan qaadey ammaanka Afgooye

Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Sharif Sheikh Axmed aya ballan qaadey in la sugi doono ammaanka Afgooye.

Dadka degaanka ayaa ka cabanaya in amaan darro baahsan ay ka jirta Afgooye iyo nawaaxigeeda tan iyo intii ciidamada dowladda ay la wareegeen magaaladaasi.

Sheikh Sharif Sheikh Axmed aya habeenkii xaley markii ugu horreysey tan iyo markii la soo doortey ku hoydey Afgooye, waxaana halkaasi kula kulmey odayaasha degmadaasi.

Wasiirka Difaaca DKM oo isla markaana ah Raisal Wasaare Ku xigeenka Xuseen Carab Ciise oo wareysi siiyey BBC ayaa sheegey in dowladda ay talaabo ka qaadi doonto ammaan darrida Afgooye.