62 ku dhintay dhowr qarax Ciraaq

Baqdad Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Boliiska Ciraaq

Boliiska Ciraaq ayaa sheegay in lixdan iyo laba qof ay dhinteen, in kabadan laba boqol oo qofna ay ku dhaawacmeen dhowr qarax magaalada Baqdaad iyo koonfurta Ciraaq.

Qaraxa ayaa ka dhacay toban meelood magaalada Baqdad iyadoo la beegsaday dad Shiica ah oo u socda siyaaaro .

Magaalada koonfurta ee Hilla laba baabuur ayaa ku qarxay maqaayad horteeda iyadoo ay ku dhinteen saddex iyo toban qof.

Shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in dhaawac iyo dhimashada la filayo inay kordhaan.