Somaliland: Gooni ayaan ahaaneynaa

Somaliland
Image caption Dadka reer Somaliland oo dabbaal degaaya sand guradii 21-aad ee gooni isutaaga

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka somaliland ayaa ku dhawaaqay in wada hadallada Somaliland iyo dawladda KMG ee Somaliya aanay ahayn kuwo lagaga noqonaayo gooni isutaaga somaliland .

Cali Yuusuf Axmed wuxuu sheegay in xukuumada Somaliland loo igmaday oo keli ah sidii ay u kala guran lahaayeen Somalia iyo Somaliland , oo ay u noqon lahaayeen laba dal oo jaar ah oo walaalo ah.

Gudoomiye ku xigeenka baarllamaanka Somaliland Cali Yuusuf Axmed wuxuu hadalladaasi kaga dhawaaqay shir jaraa'id oo maanta uu ku qabtay xarunta baarllamaanka ee Hargeysa .

Go'anadii ka so baxey shirkii London ayaa ugu baaqey Somaliland iyo Somalia inay wada hadlaan. Madaxweynaha Somalia Sheikh Sharif Sheikh Axmed ayaa horey u sheegey in wadahadalka ay laxiriiraan sugitaanka midnimada Somalia.