Baarlamaanka Masar waa la kala direy

Baarlamaanka Masar Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Maxkamadda sare ayaa kala dirtey Baarlamaanka

Maxkamadda sare ee Masar ayaa kala dirtey Aqalka Hoose ee Baarlamaanka dalkaasi.

Maxkamadda ayaa go’aamisey in doorashadii Baarlamaanka ay ahayd mid sharci darro ah.

Raisal Wasaarihii ugu dambeeyey ee Madaxweynihii hore ee dalkaasi Xusni Mubarak, Axmed Shafiq, ayay maxkamadda u ogolaatey in uu ka qeyb qaato wareega labaad ee doorashooyinka Masar.

Waxay ku gacan seyrtey sharci uu soo saarey baarlamaanka dalkaasi oo ka-dhan ahaa dadkii xilalka ka soo qabtey dowladii Mubarak.

Axmed Shafiq waxaa uu wareega labaad ee doorshooyinka kula tartamaayaa musharraxa Ikhwaanul Muslimiinka Maxamad Mursi.

Dadka reer Masar ayaa u dareeraya wareegga labaad ee doorashooyinka madaxtinimo maalinta Sabtida ee 16 June 2012.

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa cambaareyey go’aanka maxkamadda, waxay sheegeen in uu Masar u horseedaya dhibaato.