Ruushka iyo Maraykanka oo is eedeynayo

Lavrov Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ruushka ayaa ka horimaadsan tallaabo kasta oo xoog loogu adeegsanaayo Syria

Ruushka iyo Maraykanka ayaa midba midka kale ku eedeynaayo in uu hub u gudbinaayo waddamada bariga dhexe ee uu qalalaasaha ka taaganyahey.

Xoghaya Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Hillary Clinton ayaa ku eedeysey Ruushka in uu hub siinayo dowladda Syria.

Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Ruushka Sargey Lavrov ayaa arrintaasi ka jawaabey, waxaa uu ku eedeyey Maraykanka in uu hub ku qubayo bariga dhexe.

Fransiiska ayaa doonaaya in qorshaha nabadda ee uu wado ergeyga Qaramada Midoobey iyo Jaamacadda Carabta Kofi Annan xoog lagu meel mariyo.

Hasa ahaatee Ruushka aya meesha ka saarey in uu taageeri doono tallaabo kasta oo xoog lagu adeegsanaayo.

Shiinaha ayaa la filayaa in uu arrintani ku taageero Ruushaka.

Ruushka ayaa horey u sheegey in Nato ay iska indha tirtey go’aankii Qaramada Midoobey ee Libya, kaasi oo uu Ruushka qabo in si xun loo adeegsadey.