Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cabdiweli iyo wadahadalka Somaliland

Raisal Wasaaraha Somalia Cabdiweli Maxamad Cali ayaa magaalada Nairobi kula kulmey Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki iyo Raisal Wasaare Raila Odinga. Cadirizq Xaaji Catoosh ayaa Raisal Wasaaraha ka wareystey waxa uu madaxda kala hadley iyo waxa uu ka qabo wararka xogta ah ee ay BBC heshey ee ah in dhawaan ay London ka bilaaban doonaan wadahadallo u dhaxeeya Somalia iyo Somaliland.