Sh Mukhtaar oo aas qaran loo sameeyay

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Madaxweyne Shariif oo wax ka aasaya Shiikh Mukhtaar

Shiikh Mukhtaar Maxamed Xuseen oo mar ahaan jiray guddoomiyihii barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si heer qaran ah loogu aasay Muqdisho.

Allaha u naxariistee, Shiikh Mukhtaar Maxamed Xuseen, oo ahaa Guddoomiyihii baarlamaanka Soomaaliya 1966 ilaa iyo 1969 ayaa ku geeriyooday magaalada Nairobi.

Shiikh Mukhtaar oo laga soo dooran jiray magaalada Xuddur, waxaa uu qabtay xilka ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya ka dib markii la dilay Madaxweynihii Soomaaliya cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Sida uu BBC u sheegay, Garyaqaan Maxamed Ciise Turunji oo ka mid ahaa shaqaalaha baarlamaanka Soomaaliya, Shiikh Mukhtaar wuxuu ahaa nin ku wanaagsan hagidda hawlaha baarlamaanka.