Maxkamadda Gacaca ee Rwanda oo la xirey

Maxkamadda Gacaca
Image caption Maxkamad dhaqameed-ka Rwanda ee Gacaca oo la soo af-jarey

Maxkamad laga dhisey dalka Ruwanda ee loo yaqaan Gacaca ayaa maanta si rasmi ah u dhameyneysa shaqadeeda ka dib markii muddo toban sano ah ay shaqeyneysay in cadaadlad la hor keeno dadkii ku lugta lahaa xasuuqii dalka Ruwanda 1994tii.

Maxkamadda ayaa waxa loo dhisey si ay u dardar geliso dadka loo haystey xasuuqii dalkaasi ka dhacey. Ilaa 800,000 oo ruux ayaa ku dhintey xasuuqaasi.

Ururada u doodda xuquuqul isnsaanka ayaa waxa ay ku cambaareeyn maxkmadda in aaney buuxin heerka maxkamadaha caalamiga ah ee dambiyada.

Maxkamadan waxay ahayayd mid ku slayasan dhaqanka, waxayna dhagaystey dacwadda ku dhowaad 2 milyan oo qof. Howsha gaar-soorka ee maxkamadani waxaa qabtey ku dhowaad 250,000 kun oo ger-yeqaan

Inta badan dadka hor tagey maxkamadahan ayaa waxa laga doonayey in ay qiortaan dambiga ay galeen kadibna ay dalbadaan cafis.

Maxkamadda ayaa loo dhisey in lagu daweeyo quluubta dadka.

Xasuuqa Rwanda waxa ku lug lahaa laba qabiil oo la kala yiraahdo Hutu iyo Tutsi. Xasuuqa ka dhacay Rwanda ayaa waxa uu noqday mid si aada ah loo cambaareeyey

Qaar kamid ah dadka maxkamadhaha la hor geeyey ayaa lagu xukumey xabsi daa'in. Qaar badan xabsiga haatan waa laga soo daayay oo waxaa ay la noolyihiin isla dadkii ay colaada dhex-martey.