Dibed-baxyo ka dhan ah militariga Masar

Dibed-baxyo Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Taagerayaasha Ikhwaanul Muslimiinka ayaa ka soo horjeestey go'aanka maxkamadda

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka dalka Masar ayaa ku baaqey dibed-baxyo loogu horimaadsanyahay awoodda dheeriga ah ee uu yeeshey Golaha Militariga.

Dadka ayaa bilaabey inay gaaraan Garoonka Taxriir oo astaan u ah kacdoonkii lagu ridey madaxweynihii hore ee dalkaasi Xusni Mubarak.

Dibed-baxyada ayaa la filayaa in ay ka dhacaan dalka oo dhan kadib markii Golaha Militariga uu soo saarey go’aanno uu kula wareegey awoodda sharci-dejinta.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa iyaguna ku gacan seyrey go'aan ay maxkamadda destuurka ee dalkaasi gaartey oo ahaa in lakala diro baarlamaanka.

Waxaa la filayaa in maanta ay isku dayaan in ay gudaha u galaan baarlamaanka dalkaasi.

Dhinaca kale, ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa sheegey in musharraxooda Maxamad Mursi uu ku guuleystey wareega labaad ee doorashooyinka madaxtinimo ee laba maalmood ka hor ka dhacdey dalkaasi.

Howl-wadeenada musharaxxa ka soo horjeeda Mursi, Axmed Shafiq, ayaa ku gacan seyrey arrintaasi, waxayna sheegeen in ay ka war-sugi doonaan natiijooyinka kama dambeysta ah ee uu ku dhawaaqi doono guddiga doorashooyinka ee dalkaasi.