Mubarak oo cisbitaal loola cararey

Mubarak
Image caption Mubarak ayaa la sheegey in cisbitaal loola cararey

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaayo xaaladda caafimaad ee Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubarak.

Wararka qaar ayaa sheegaya in uu ku dhawyahey geeri, halka kuwa kalena ay sheegayaan in xaladiisa aanay sidaa u xumeen.

Mubarak oo 84 sano jir ah waxaa la sheegey in uu istaagey wadnaha, waxaana laga saarey xabsigii uu kujirey oo loo qaadey cisbitaal uu militariga leeyahey.

Dad taageersan iyo kuwa ka soo horjeeda aya isugu soo aruurey banaanka cisbitaalka lagu hayo Mubarak.

Bilawgi bishan June ayaa Mubarak waxaa lagu xukumey xabsi daa'im, hasa ahaatee, tan iyo markii loo qaadey xabsiga waxaa la sheegayay in xaaladiisa caafimaad ay ka sii dartey.

Warkan ayaa ku soo beegmayo iyadoo boqolaal kun oo dibed-baxayaal ah oo ka soo horjeeda awooda dheeriga ah oo uu Golaha Militariga yeeshey ay ku suganyihiin Fagaaraha Taxriir.

Dibed-baxyada waxaa ka qeyb-qaadanayo taageerayaasha ururka Ikhwaanul Muslimiinka oo iyagu horey u sheegey in musharaxooda Maxamad Mursi uu ku guuleystey wareega labaad ee doorashooyinka.

Musharraxa la taretameyey Mursi, Axmed Shafiq, ayaa isaguna sheeganaya guul. Waxaa la filayaa in guddiga doorashooyinka ay ku dhawaaqaan natiijooyinka rasimiga ah maalinta Khamiista.