Shir madaxda Somalida ugu socdo Nairobi

Madaxda Somalida Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Shir ayaa madaxda Somalida ugu furmey magaalada Nairobi

Madaxda dowladda KMG iyo mas'uuliyiintii kale ee la saxiixey heshiiskii Road Map-ka ayaa ku kulansan magaalada Nairobi.

Waxay ka wadahadlayaan waxyaabihii u qabsoomey tan iyo markii ay saxiixeen heshiiskii ugu dambeeyey ee Addis Ababa.

Maanta oo ay taarikhdu tahey 20 June ayaa la filayey in la dhiso gudi ka kooban 825 ruux oo laga doonayo in uu ansixiyo destuurka KMG.

Safiirka Somalia u fadhiyo Kenya Maxamad Cali Nur ayaa BBC u sheegey in wadahadalladu loogu gol-leeyahay in lagu xoojiyo heshiisyadii la xiriirey Road Map-ka oo horey loo saxiixey.

Qaramada Midoobey iyo Maraykanka ayaa horey ugu digey dad ay ku tilmaameen qaswadayaal ka soo horjeedo khariidadan lagu soo afjarayo kumeel gaarnimada.

Somalia waxay ku jirtey kumeel gaarnimo tan iyo sanadkii 2000, xilligaas oo Madaxweynihii hore ee Somalia Cabdiqasim Salad Xasan lagu soo doortey dalka Djibouti.