Lamaane laga soo furtey burcad badeed

Calitz iyo Belizzari Lahaanshaha sawirka BB
Image caption Calitz iyo Pelizzari ayaa xoriyadooda dib u heley

Lamaane u dhashey dalka Koonfur Afrika oo kudhawaad labo sano ay burcad badeed ku haysteen Somalia aya la sii daayey.

Wasiirka Difaaca Somalia Xuseen Carab Ciise ayaa sheegey in howlgalka lagu soo furtey labadni ruux uu socdey dhowr saacadood.

Wasiirka ayaa sheegey in Deborah Calitz and Bruno Pelizzari ay soo furteen ciidamada militariga iyo kuwa amaanka ee Somalia.

Burcadda lamaanahan haysatey ayaa ugu horreyntii dalbadey lacag dhan 10 milyan oo doolar oo madax furasho ah.

Daborah iyo Bruno ayaa sheegey in ay ku faraxsanyihiin in la soo furtey. Waxaa la qafaashey iyagoo ka shaqeynayay markab ka baxy dalka Tanzania oo ku socdey Koonfur Afrika kudhawaad labo sano ka hor.

Wasiirka Difaaca ayaa sheegey in ay dowladda ogtahay halka lagu haayo dadka kale ee ajnabiga ah ee ay burcad badeeddu haystaan, waxaan uuna ku hanjabay in ay xoog ku soo furan doonaan hadii burcadu ay sii deyn waayaan.