Natiijada Masar oo dib loo dhigey

Mursi Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Labada musharrax ee doorashada Masar ayaa sheeganayo guul

Ku dhawaaqidda natiijada doorashadii madaxtinimada ee dalka Masar ayaa dib loo dhigay.

Waxaa la filayay in guddiga doorashooyinka ee dalkaasi uu maanta ku dhawaaqo natiijada.

Gudiiga ma sheegin maalinta lagu dhawaaqi doono cida ku guuleysatey doorashada.

Howl-wadeenada ololaha dooraashada ee labada musharrax ee ku tartamayey wareega labaad ayaa sheegtey in ay ku guuleeysteen doorashada.

Ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa sheegey in musharaxooda Maxamad Mursi uu ku guuleystey doorashada, lakin ninka ka soo horjeeda, Axmed Shafiw oo maalmihi ugu dambeeyey ee Mubarak Raisal Wasaare ka ahaa dalkaasi, ayaa isaguna guul sheeganaayo