Masar oo sugaysa natiijada Doorashada

Labada Musharax Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Maxamed Morsi iyo Axmed Shafiq

Dadka reer Masar ayaa sugaya natiijada doorashada maanta, iyagoo ka walwalsan waxa ka iman doona. Xisbiga Ikhwaan Muslimiin ayaa aaminsan in musharaxooda Maxamed Morsi uu guulaystay, waxay keeneen waraaqo cadaynaya. Hadii natiijada aysan sheegin inuu guulaystay musharaxooda waxay aamisanaan doonaan in laga xaday codadkii doorashada .

Taageerayaasha Ikhwaan Muslimiin ayaa isugu imaanayay fagaaraga Taxriir.

Musharaxa Axmed Shafiiq ayaa sidoo kale sheeganaya inuu guulaystay. Taageerayaashiisa ayaa eedeynaya warfaafinta caalamiga iyo dowladaha reer galbeedka inay rabaan in xisbiga Ikhwaan Muslimiin uu guulaysto. Waxay ka digeen hadii uuu guulaysto Ikhwaan Muslimiin.

Qofkii guulaystaba wuxuuu samayn doonaa taariikhinuu yahay hogaamiyihiii ugu horeeyay ee si dimoqraadiyad ah looo sooo dooorto dalka Masar, hogaamiyaha cusub waxaa horyaala shaqo adag oo ah inuu mideeyo wadanka.