Qarax ka dhacey Mombasa

Mombasa Lahaanshaha sawirka INTERNET
Image caption Magaalada Mombasa waxaa u dalxiis tego dad badan oo ajnebi ah

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintey qarax ka dhacey magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan sided ruux oo kale ay ku dhaawacmeen qaraxani.

Qaraxani ayaa lala beegsadey hotel khamriga lagu cabo oo aad u mashquulsanaa xilligaasi. Dadka waxay daawanayeen cayaarta dhexmareysey xulalka Ingriiska iyo Talyaaniga ee Horyaalka Qaramada Europe.

Qaraxani ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib markii Maraykanka ay ka digeen in qarax uu ku soo fool leeyahay magaaladaasi.

Ciidamada Kenya ayaa maalma ka hor xirey labo ruux oo u dhashey dalka Iran oo loogu shakisanyahay inay xiriir la leeyihiin qorsho lagu weerarayo Mombasa.

Booliska Kenya ayaa sidoo kale sheegey in ay magaalada caasimadda ee Nairobi ku qabteen qalab laga sameeyo waxyaabaha qarxa.

Qaraxyo isdaba joog ah ayaa ka dhacey Kenya tan iyo markii ciidamada dalkaasi ay gudaha u galeen Somalia.