Shirka burcad badeedda ee Dubai

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed Lahaanshaha sawirka Gov Somalia
Image caption Madaxweynaha ayaa furay shirka

Dubai ayaa maanta waxaa ka furmay shir caalami ah oo looga arrinsanayo la dagaallanka burcad badeedda badaha Soomaaliya.

Shirka waxaa wadajir u qaban qaabiyay Wasaaradda Dibadda ee Imaaraadka Carabta iyo Sharikadda Dp World.

Shirkan oo ah mid waxaalami ah waxaa furay Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed.

Wafdiga Madaxweynuhu hoggaaminayo ka sokow, waxaa shirka isaguna ka qeyb galay Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxman Shiikh Maxamed.

Somaliland waxaa iyaguna jooga wafdi heer Wasiir ah, laakiin waxaa la filayaa in Madaxweyne Silaanyo uu isaguna ka qeyb galo.

Madaxa la dagaallanka Burcadbadeedda, Muxyaddiin Cali Yusuf, oo BBC u warramay ayaa ku tilmaamay in shirarka noocaan ah ay markii hore dowladaha oo keliyihi ay qaban jireen, hase yeeshee hadda lagu soo daray sharikadaha waaweyn ee caalamiga ah ee caymiska iyo dhinacyo kaleba.