Dil iyo af duub Dhadhaab ka dhacay

Niman hubeysan ayaa ugu yaraan hal qof ku dilay Dhadhaab isla markaana af duubay afar qof oo shaqaalaha gargaarka ah.

Sida Reuters ay faafisay, booliska ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan hal qof oo shaqaalaha gargaarka ah la af duubay, darawalkiisiina la dilay.

Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa xaqiijisay in of la dilay midna la af duubay.

Cyrus Oguna oo u hadlay Wasaaradda Difaaca ee Kenya waxaa uu u sheegay wakaaladda AFP in weerar lagu qaaday baabuur samafalayaal ay wateen xerada Ifo II oo ka tirsan xeryaha Dhabaab.

Norwegian Refugee Council (NRC) ayaa sheegtay in Xoghayaha Guud ee NRC, Elizabeth Rasmussen, ay la socotay kolonyada la weeraray, laakiin ay ka nabd gashay.