Shaqaale gar-gaar oo la soo furtey

Ciidanka dowladda Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ciidanka dowladda KMG Somalia ayaa sheegey in ay soo furteen shaqaale gar-gaar

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda KMG oo ku sugan Dhobley ayaa BBC u sheegey in ay soo furteen samafalayaal horey looga af-duubey Dhadhab.

Maalintii Jimcaha ayaa dabley hubeysa Dhadhab ku dileen ugu yaraan hal qof, waxayna af-duubeen afar kale oo shaqaalaha gargaarka ah.

Taliyaha ciidanka doaladda KMG ee gobollada Jubbooyinka General Ismaaciil Saxardiid ayaa BBC u sheegey in ciidanka dowlada iyo kuwa Raas-kambooni oo wada howgalayey ay soo furteen shaqaalahaasi. Saxardiid ayaa sheegey in ciidanka ay weerareen goobtii lagu hayay ajnebigaasi.

Taliyaha ayaa sheegey in mid ka mid ah dablyedii hobeysneyd halkaasi lagu diley, iyadoo kuwii kalena ay baxsadeen.

Ajnabigan la soo badbaadiyey ayaa waxay u shaqaynayeen hay'adda NRC (Norwegian Refugee Council).