Guddiga doorashada Libya oo la weerarey

Benghazi Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Xarruunta guddiga doorashada ee Libya ee Benghazi oo la weerarey

Dibed-baxayaal dalbanaayo maamul hoosaad ayaa weerarey xarruunta guddiga doorashada ee magaalada Benghazi ee bariga Libya.

Ilaa 300 oo ruux oo ku dhawaqayey hal-ku-dhagyo ay ku dalbanayaan maamul hoosaad ayaa sanduuqayadii codabixinta la baxey, waxayna dab qabadsiiyeen warqadihii lagu codeyn lahaa.

Doorashada baarlamaanka ee dalka Libya ayaa la filayaa in la qabto maalinta Sabtida, waa tii ugu horreysey ee dalkaasi laga qabto tan iyo markii xukunka laga ridey hogaamiyihii hore ee dalkaasi Mucamar Qadafi.

Madaxda kooxaha u ololeeya maamul hosaadka ayaa ugu baaqey dadka degan bariga Libya in aanay ka qeyb-qaadan doorashada.

Waxa kale oo ay doonayaan in la kordhiyo kuraasta baarlamaanka la siinaayo bariga Libya.

Torada kuraasta baarlamaanka ee la filayo in la soo doorto ayaa ah 200, iyadoo bariga Libya laga siiyey 60 kursi.

Kacdoonkii xukunka looga tuurey Qadafi waxaa uu ka bilawdey magaalada Benghazi ka hor inta usan ku fidin qeybaha kale ee dalka.