Masaajid lagu weerarey Mali

Dhismayaasha taariikhiga ah ee Mali Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Kooxaha Islaamiga ee gacanta ku dhigey magaalada Timbuktu ayaa bilaabey inay burburiyaan dhismayaal taariikhi ah

Kooxaha Islaamiga ah ee Mali ayaa weerarey mid kamid ah masaajidada caanka ah ee magaalada Timbuktu.

Qof magaaladaasi degan ayaa BBC u sheegey in dabley hubeysan ay burburiyeen albaabka laga galo masaajid la dhisey 600 oo sano ka hor,

Kooxda Ansar al-Din ee la sheego in ay xiriir la leedahey Al-Qacida ayaa la wareegtey gacan ku haynta magaalada Timbuktu dhowr bilood ka hor.

Waxay horey u burburiyeen dhowr qabri oo magaalada ku yaalley, iyagoo sheegey in arrimahan ay ka soo horjeedaan diinta Islaamka.

Afhayeen u hadley ururka Ansar al-Din Sanda Ould Bamana ayaa BBC u sheegey in boqolkiiba 90 ay burburiyeen bartilmaameedyo taariikhi ah oo ay sheegeen in ay ka soo horjeedeen diinta Islaamka.

Waxaa uu sheegey in diinta Islaamka aanay ogoleyn in guriyo lagu dul-dhiso qabriyada.

Dacwad oogaha cusub ee maxkamadda dambiyada ee addunka, Fatou Bensouda, ayaa maalintii Axada cambaareysey burburintaasi, waxayna sheegtey in ay u dhigmaan dambiyo dagaal.

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan tacliinta iyo dhaqanka ee UNESCO iyo dowladda Mali ayaa ugu baaqey kooxaha Islaamiga inay hakiyaan howsha burburinta.