Muslimiin ilaalin doona Kaniisadaha

Weerar Garissa Lahaanshaha sawirka Associated Press
Image caption Uguyaraan 17 ruux ayaa ku dhintey weeraro lala beegsadey kaniisado magaalada Garissa

Ururka mideeya Muslimiinta dalka kenya ee SUPKEM ayaa sheegey in ay sameyn doonaan dhallinyaro ilaaliso kaniisadaha ku yaalla gobollada ay u badanyihiin dadka Musliminnta.

Maalintii Axada ayaa weeraro lala beegsadeu labo kaniisad magaalada Garissa, ugu yaraan 17 ruux ayaa ku dhintey weeraraadaasi.

Madaxda Muslimiinta ayaa ka cabsi qabo in weerarado noocaasi ah ay sababaan dagaal u dhaxeeya diimaha kadib markii qaraxyo ka dhacey dalka Nigeria ay u horseedeen iska horimaadyo.

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Sare ee Muslimiinta Kenya Sirat Cusman oo isla markaana ah guddoomiyaha laanta ururkaasi ee gobolka woqooyi-bari oo kamid ahaa dadkii shrikaasi qabtey oo go'aankaasi soo saarey ayaa BBC u sheegey in dhallinyarada ay iskood isu xilqaami doonaan.

Sirat ayaa sidoo kale ku eedeyey dowladda inay ka soo bixi weydey howsha ammaanka, waxaa uu sheegey inay dowladda kala hadli doonaan arrimahaasi