Madaxweynaha Masar iyo Milateriga

Egypt military council Lahaanshaha sawirka a
Image caption Golaha milateriga ee Masar

Isagoo ka hor imaanaya milateriga awoodda badan ee dalka Masar, ayaa madaxweynaha cusub ee islaamiga ah ee waddanka Masar, Maxamed Morsi, waxaa uu baarlamaanka dalka amar ku siiyay inay dib isugu yimaadaan baarlamaanka.

Amarkiisu waxaa uu ka imanayaa go'aan ay bishii hore gaartay maxkamadda sare oo ahaa in baarlaanka, oo ay u badan yihiin islaamiyiintu, uu sharci darro yahay. Go'aanka maxkamadda waxaa fuliyay ciidammada, oo baarlamaanka kala diray, awooddii sharci dejintana iyagu la wareegay.ilitary

Wakaaladda wararka ee dalka Masar waxay sheegtay in golaha milaterigu ay shir degdeg ah ku jiraan si ay uga wada hadlaan wareegtada Mr Morsi uu soo saaray.